HomeWarkiiSarkaal sare oo Dowladu u dirtay inuu Ugaasyada ka soo saaro guriga...

Sarkaal sare oo Dowladu u dirtay inuu Ugaasyada ka soo saaro guriga Xildhibaan Jacfar

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowlada Somalia u xil saartay Taliyaha NISA ee Muqdisho Liibaan Gacameey inuu labada Ugaas iyo Imaamka ka soo saaro guriga Xilddhibaan Jacfar  oo shalay galab ilaa hada uu dagaal ka socdo, halkaasoo ay isku haya ilaalada Xasan Cali Khayre iyo Ciidamada Dowlada Somalia.

Wararku waxay tilmaamayaan in Taliyaha uu gaaray aag ku dhaw guriga Jacfar si uu wado u siiyo ay soo maraan gaadiid galbin doona Ugaaska Beesha Mursade ,Ugaaska Muddulood ,Imaamka Muddulood,Nabadoon Xaad iyo Odayaal kale oo ku xaniban guriga Xildhibaan jacfar madaama ay adag tahay inay rasaastoo socota ay ka soo baxaan.

Lama oga howshaan bad-baadinta in dhanka Xassan Cali Khayre ay wax ka wadaan iyo in Dowladu iskeed u wadato howshaan madaama dhaqanku yahay yihiin dadka hogaanka iyo indhaha u ah bulshada.

Dhanka kale talaabadaani waxay ku soo aadeysa xili Ugaaska Mursade xalay saq dhexe mar uu la hadlayay warbaahinta uu ku eedeeyay dhanka Dowlada inay u diideen wado ay odayaasha dhaqanku kaga soo baxaan guriga Xildhibaan Jacfar.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -