Weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yuhuuda ayaa la soo sheegayaa in lagu dilay Taliye ka tirsanaa Kooxda Xisbulllah ee ka dagaalanta dalka Lubnaan.

Waxaa lagu soo waramayaa in lagu dilay tuulada Majdal Selm ee Lubnaan, oo 3.7 mayl u jirta xadka Israel isaga iyo dagaalyahan kale  oo ka tirsan Xisbullah markii gaarigooda lagu weeraray.

Advertisement

Dilka taliyaha Hezbollah ayaa sare u qaadaya cabsida laga qabo dagaal guud oo xuduuda ku dhex mara Israa’iil iyo Dagaalyahanada Xisbulllah.

Wissam Hassan al-Tawil wuxuu si gaar ah uga tirsan yahay  kooxda ay Iran taageerto ee Radwan Forces, waana sarkaalkii ugu  horreeyay ee militariga Hezbollah oo la dilo  saddex bilood oo isku dhacyo xuduudeed uu u dhexeeyay  ciidamada Israel iyo Ururkaan Xisbullaah.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Israel kills senior Hezbollah commander Wissam Hassan Tawil in targeted strike

Previous articleSAWIRRO:Cali Guud-laawe oo Caawa casho sharaf u sameeyay Ciyaartoyda Hirshabelle
Next articleMaxaan ka naqaannaa deegaanka Lughaya ee la sheegay in dhul badeed ku yalla la siiyay Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here