MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar aan helnay ayaa sheegaya in xerada Gordan ee Muqdisho lagu dhex dilay sarkaal sare oo u dhashay Dalka Imaaraadka kaasoo  Somalia u joogay tababar ciidan inuu siiyo ciidamada dowlada.

Sarkaalkaan oo lagu magacaabo Maxamed Mubaarak ayaa ahaa Sarkaalkii ugu sareeyay Imaaraadka ee waliba gacanta ku hayay File-ka ciidamada Booliis Milataariyada Soomaalida oo Imaaraadku lahaa maal-gelintooda.

Advertisement

Ujeedka dilkaan keenay ayaa lagu sheegay markii nin ciidamada ka mida  uu rasaas  furey xili saraakiisha Imaaraadku tababar bixinayeen.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamo Soomaaliyeedna dhibaato ka soo gaartay rasaastaasi inkastoo aan la hubin.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ninka rasaasta furey uu ka tirsan yahay alshabaab sidaas daraadeedna uu dowlada ugu soo biiray si uu mar uun dhibaato u geysto.

Wixii war soo kordha wararkeena danbe ayaad kala socon doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMuqdisho oo markii ugu horeysay laga furey Xarun lagu baranayo diyaarad wadida
Next articleMadaxweyne Xasan oo ka tacsiyeeyay Sarkaalka u dhashay Imaaraadka ee Caawa Muqdisho lagu dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here