Suldan Axmed Cisman Cada-gude oo maalmihii u danbeysay ku howlanaa dhex dhexaadinta Maamulka Somaliland iyo Jabhada Gacan-libaax ayaa ugu danbeyn ku dhawaaqay inuu ku guuleystay xalita arintaasi.
Suldaanka ayaa sheegay inay ku qanciyeen jabhadaasi hubaysna inay nabad qataan, islamarkaana gaadiidkii kala duwana ee ay gacanta ku hayeen ku wareejiyeen guddiga howshaasi ku jiray mar uu la hadlaayay idaacada VOA-da.
“wixii hada ka danbeeya ma jirto Jabhad hubeysan oo saaran buurta gacan-libaax ee Gobolka Saalan,dhamaana wixii gaadiid ay hayeen waxay ku wareejiyeen Somaliland”ayuu yiri Suldaanka
“farxad ayay noo wada tahay in dhibaatadii halkaasi ka jirtay naga dhamaatay ragaas hubeynaana ay qaateen nabadii mudo laga wada shaqeynayay”ayuu mar kale yiri Suldaanka
Jabhadaan Gacan libaax waxaa sidoo kale iyagana u jhadlay Axmed Cali wuxuuna cadeeyay inay qaateen nabadii ay u keeneen Odayaasha islamarkaana ay ka soo degteen buurta ayna wareejiyeen dhamaan wixii gaadiid hore gacantooda usoo galay.
Jabhadaan Gacan-Libaax waxaa la sheegay inay hore ula wareegeen gaadiid ay leeyihiin Hay’ado sida mida miina baarka islamarkaana ay dagaal kala hortagi jireen ciidamada Maamulka Somaliland.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM