DOOLOOW (DAYNIILE.COM)-Warar ku dhaw Gobolka Geddo ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada Itoobiya ay sii daayeen sarkaalkii Nabad sugida Qaranka ugu qaabilsanaa Dowlada Magaalada Dooloow kaasoo lagu qabtay dagaalkii xalay.
Warar kale ayaa sheegaya in sarkaalka oo lagu magacaabo Shiikhaaloow lala sii daayay ku xigeenkiisa iyo ciidamo lala xirey.
Sarkaalka ayaa la sheegay inay ku soo celiyeen Magaalada Doolow lamana hubo inay xadka kala taalaabeen inay xuduuda ku hayeen,sidoo kale xogaha aan heleyno ma tilmaamayaan in sii deyntaani Dowlada Somalia ku lug leedahay iyo inay iskood u sii daayeen.
Madaxweyne Xasan iyo Taliyaha NISA Mahad Salaad oo labaduba ku sugan Adis-ababa iyo xitaa madaxda Dowlada ee Dalka ku sugan wali kama hadlin dhacdadii xalay oo u qaab eg bahdilaad kale oo itoobiyaanku u geysanayaan dadka iyo ciida Somaliyeed.
Dhanka kale sida tan iyo xalayba la tabinayay madaama ujeedka weerarka Itoobiya uu markii horaba ahaa inay saldhigaasi ka hor istaagaan in looga gurmado Balad-xaawo,sidoo kalana ay gubeen keydkii rasaasta waxaa hada iska cad in Itoobiyaanku madaama uu dantiisii xalayba gaaray ay keentay inay Sarkaakaani iska fasaxaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ
DAYNIILE.COMÂ
