GAZA (DAYNIIILE.COM)-Sawir qaade Motaz Azaiza oo caan ah  ayaa ka tagay marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin sababo amni darteed.

Sawir qaadahaan ayaa qoraal uu soo dhibay bartiisa X ee hore loo dhihi jirey Twiter wuxuu ku sheegay in ay qasab ku noqotay in uu faarujiyo Gaza.

Advertisement

Muuqaal la soo dhigay barta X, ayaa sawir qaade Falastiini ah Motaz Azaiza waxa uu sheegay in ay qasab ku noqotay in uu faarujiyo Gaza.

“Waxay ahayd inaan ka baxo sababo badan awgood, dhammaantiin waad garanaysaan sababta aan uga tagayo Gaza” ayuu yiri Motaz Aziza

Bishii Oktoobar, Azaiza waxa uu filim ka duubay weerar ay Israa’iil ku qaadday guriga qoyskiisa oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Deir el-Balah, kaas oo lagu dilay 15 xubnood oo qoyskiisa ah.

Waxa uu tan iyo markaas helay in ka badan 18 milyan oo taageere Instagram, isaga oo la wadaagaya muuqaallada xadgudubyada Israel iyo wixii ka dambeeyay Gaza.

Sawir qaadahaan wuxuu u dhashay dalka Falastiin waa 24 jir dhashay 30-kii Janaayo 1999,sidoo kale waa shaqaale UNRWA marka laga soo tago mihnadisa joornaaliiste.

Motaz Hilal Azaiza is a Palestinian photojournalist from the Gaza Strip. Wikipedia
Born: January 30, 1999 (age 24 years), Deir Al Balah Camp
Nationality: Palestinian
Employer: UNRWA

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

ImageImage

Previous articleGalmudug oo noqday Maamulkii ugu horeeyay ee booqda Laas-caanood
Next article21 ka mida Asakarta Israa’iil oo lagu dilay GAZA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here