Sawir qaade ka tirsan Raadiyaha Ciidamada Dowlada Somalia ayaa ku dhaawacmay dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay duleedka degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud gaar ahaan weerarkii Tuukada Cali Yabaal.

Sawir qaadaha oo lagu magacaabo C/raxmaan Cmar Xuseen ayaa si gaara wuxuu ula socday Guutada 24-aad Khaalid Bin Walid wuxuuna dhaawacmay isagoo ku jirey shaqadiisa uu qaranka uu hayay.

“C/raxmaan ayaa dhaawacmay isagoo gudanaya waajibaadkiisii qaran ee ahaa soo bandhigidda jabka ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaarsiinayaan maleeshiyaadka taagta daran ee khawaarijta”ayaa lagu yiri war qoraala oo la soo dhigay warbaahinta Dowlada.

Advertisement
C/raxmaan Cmar Xuseen  wuxuu dhaawacmay 20-kii bishaan oo ah afar maalin ka hor waxaana  loo maleynayaa inuu wali isbitaal yaalo.
Sawir qaadaha oo caafimaadkiisa aaney Dowladu faah-faahin ka sii bxin waxay qoraalkooda ku soo koobeen inay u rajeynayaan caafimaad iyo ineysan dowladu dayici doonin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person
Previous articleDAAWO: Shacabka Gaza iyo Duruufta isticmaalka baaskiilada
Next articleColaad Beeleed dib uga bilowday xadka Hiiraan iyo Sh.Dhexe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here