KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Sawirada shirkii xalay ku soo dhamaaday Magaalada Kismayo ayaan halkaan idinku soo gudbineynaa kaasoo ugu danbeyn warmurtiyeed laga soo saaray.
Qodobka ugu kululaa ee Mucaaradku soo saareen ayaa ahaa hanjabaad ah in hadii Madaxweyne Xassan mudo bil ah uu war cad ka soo saari waayo doorasho la isku raacan yahay inay Dowlad kale ku dul dhisi doonaan Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay.
Qodobkooda ugu danbeeya ayaa ahaa in Siyaasiyiintu martigelinta iyo doorka hoggaamineed ee shirka ay ugu mahadcelinayeen Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo guud ahaan masuuliyiinta iyo shacabka Jubaland.
















