Wasiirka amniga gudaha Galmudug Maxamed Cabdi Aadan ‘Gaboobe’ ayaa ka qeybgalay dibadbax ay maanta iskugu soo baxeen shacabka ku dhaqan degmada Wisil.

Dibadbaxa maanta ayaa ujeedkiisu ahaa taageeridda howlgallada uu abaabulkoodu ka socdo koonfurta gobolka Mudug iyo soo dhoweynta saraakiil iyo ciidamado kusoo biiray howlgalladaas, kuwaas oo kasoo jeedo deegaanka Bacaadweyn ee koonfurta gobolka Mudug.

Wasiir Gaboobe oo bulshada kula hadlay fagaarihii ay iskugu soo baxeen ayaa sheegay in uu soo dhammaaday waqtigii Al-Shabaab ee Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya, isagoona shacabkii isku soo baxay ku boggaadiyay sida ay u garab taagganyihiin ciidamada huwanta ah.

    

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here