Ciidamada Ammaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ee ku sugan magaalada dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa howlgalo lagu xaqiijinayo nabadgelyada ka sameeyey magaaladaas.

Ciidamada oo watay hubka noocyadiisa kala duwan ayaa baaritaano ku sameeyay Guryaha qaar iyo Goobaha Ganacsiga, waxaana lagu soo qabqabtay ku dhawaad 100 Ruux oo u badan Dhalinyarada Magaalada Dhoobleey.

Ciidamada ayaa goob fagaaro ah isugu keenay Dadka ay howlgalka kusoo qabqabteen, waxaana saraakiisha Ciidamada oo la hadlay ay ka dalbadeen inay kala Shaqeeyaan Sugida Amniga.

Saraakiil katirsan Ciidamada Ammanaka degmada Dhoobleey ayaa waxaa ay sheegeen in dadka howlgalka lagu qabqabtay baaritaano lagu sameeyay, isla markaana badankood la siidaayay.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ilaa laga xaqiijinayo Amniga Magaalada Dhoobleey , halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ee katirsan AMISOM.

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here