Wararka naga soo gaaraya magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay gaareen Ciidamo aad u farabadan oo ka tegay degaano katirsan Gobolka Sanaag.

Ciidamadaan oo u abaabulan hab Beeleed ayaa laga abaabulay degaanka xingalool ee gobolka sanaag, iyaga oo qeyb ka noqonaya xoogagga SSC ee duleedka magaalada Laas-Caanood kula dagaalamaya Ciidamada Somaliland.

Advertisement

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogagga SSC iyo waxgaradka Magaalada Laas-caanood ayaa soo dhaweeyay ciidamadaan oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka nocyadiisa kala duwan, waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen inay ku biirayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waa markii Saddexaad oo Magaalada laas-Caanood ay gaaraan Ciidamo ka tegay degaanka xingalool ee gobolka sanaag ay gaaraan Magaalada laas-Caanood, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay ciidamo kale tagaan Gobolka Sool.

Tan iyo markii dagaalka uu ka billaawday magaalada laas-caanood ee Xarunta goolka Sool ayaa dhinacyada ku dagaalamaya ee Somaliland iyo xoogagga SSC waxaa ay halkaasi geeynayeen Ciidamo horleh wallow weli labada dhinac aysan gaarin guulo waaweyn oo la taaban karo.

   

Previous articleMaamulka Puntland oo ka codsatay World Bank iyo IMF in ay hakiyaan dayn cafinta Soomaaliya
Next articleCali Jeyte oo ku gacan seeray Casuumad uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here