Ciidamada kala duwan ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay degaano gaaraya ilaa 120 KM oo ah inta u dhexeeysa Degmooyin Afmadow iyo Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkan oo uu hogaaminayey Taliyaha Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Jubaland Maxamed Axmed Sabriye ayaa waxaa qayb ka ahaa Ciidamada daraawishata Jubaland iyo Ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska DANAB, mudadii uu socday howlgalkan waxaa lagu bur buriyay saldhigyo waawayn oo ay lahaayen Al-Shabaab, sidoo kale waxaa  la qarxiyay dhowr miino oo ay doonayeen in ay ku dhibaateen dadka shacabka ah ee wadooyinka isticmaala.

Advertisement

Bilowga isbuucaan ayay aheyd markii ay ciidmada Jubaland gaareen Degmada Afmadow safar maalin qaatay oo dhanka dhulka ah, Hayeeshee  markii labaad ayay ciidamo hor leh gaareen Afmadow, iyadoo wajiga labaad ee Howal galka lagula dagaalamayo Al-Shabaab  uu  ka curtay Degaanada Jubbaland.

Deegaanada ay ciidamadu howlgalka ka sameeyeen ayaa waxa kamid ah Qalawlaha, Falaqaay, Reebaay, Fantooley, Harboole, Qumbi, Miidow, Shuufa, Habeedley, Cag libaax iyo deegaano kale dhamaantood waxa ay fariisimo u ahaayeen Al-Shabaab.

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here