Haweenka Sanatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Aqalka Sare, ayaa dib u eegis iyo wax ka bedel ku sameeyay Xeer-hoosaadkooda.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen inta badan Sanatarrada Haweenka Aqalka Sare oo kaashanaya Abuukaatayaasha waaxda shuruucda Aqalka Sare ayaa wax ka bedel iyo toosin ku sameeyay ilaa iyo afar qodob ee Xeer-hoosaadka Haweenka Aqalka Sare, iyagoo ku ballamay maalmaha soo socda kulamo kale oo lagu dhamaystirayo qodobada kale ee Xeer-hoosaadka.

Xubnaha guddigaan ayaa shirkooda ka qeyb galay waxaana aqalka sare uu ka mid yahay sharci dejinta dalka uu leeyahay,kuwaas oo meel mariya shuruucda waddanka lagu hago.

     

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here