Ciidamada deegaanka lambar 50 ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa soo saaray miino ay Al-Shabaab ku aaseen inta u dhexeysa muuri iyo Lambar 50, halkaas oo inta badan ay ku safraan Ciidamada dowladda Soomaaliya

Ciidamada deegaanka oo kaashanaya maamulka gobolka iyo Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay sameeynayay howlgallo kala duwan kadib markii qaraxyo miino ay kusoo bateen inta u dhaxeeysa degaannada lambar 0 iyo Muuri ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

War kasoo baxay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa loogu mahadceliyay shacabka gobolka oo markasta muujiya digtooni dheeraad ah, isla markaana wada shaqeyn dhow la leh mas’uuliyiinta ammaanka si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

Dhowr jeer ayaa qaraxyo miino waxaa ay ka dhaceen degaano u dhow degaanka lambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya, iyada oo mas’uuliyadda qaraxyadaas ay sheegtaan Al-Shabaab.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here