Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka XDS S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin,Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska iyo Xubno ka tirsan Labada Gole ee BFS ayaa Maanta Booqday Qaar ka Mid ah Dhaawacyada Ciidanka Xoogga Dalka ee ku jira Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Advertisement

Dhaawacyada ayaa waxaa kujira askartii shalay ku dhaawacantay qarixii ismiidaaminta ahaa oo ay Al-Shabaab ku qaadeen Ciidamo katirsan guutada 14-ka Octoober oo uu tababar uga socday Xerada Kuliyadda jaalle Siyaad Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka iyo mas’uuliyiinta la socotay ayaa u kuurgalay xaaladda dhaawacyada askarta, isaga oo Alle uga baryay in Caafimaad deg deg ah siiyo, halka kuwii geeriyooday uu Alle u weeydiiyay in uu Naxariistii Jano ka waraabiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax faah faahin rasmi ah ka bixin weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaaday Xerada Kuliyadda jaalle Siyaad Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku dhinteen Askar farabadan

  

Previous articleSafarrada UAE, UK iyo US waxay dhawaan u baahan doonaan inay soo codsadaan si ay u booqdaan 30 waddan oo Yurub ah
Next articleGolaha Wakiilada Puntland oo ansixiyay waxka bedel lagu sameeyay Dastuurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here