Waxaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya goordhow ka bilaabatay Munaasabadda caleemo saarka iyo dhaarinta madaxweynaha 5-aad ee  dalka Kenya  William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua, waxaana munasabadda ay ka socotaa garoonka Kubadda Cagta Kasarani Sports Centre ee Magalada Nairobi.

In ka badan 60,000 oo Kenyan ah oo ka kala yimid gobolada dalkaasayaa soo xaadiray Garoonka , sidoo kale waxaa inta badan Goobta munaasabadda xaadir ah in ka badan 20 madaxweyne oo ka socda qaaradda Afrika iyo Caalamka & wufuud kale.

Madaxweynaha la doortay ee Kenya william Ruto wuxuu maalinti shalay ahayd uu madaxtooyada kula kulmay madaxweynaha xilka ka degaya Uhuru Kenyatta xilli doorashada looga adkaaday ninkii uu taageerayay oo ahaa Raila Odinga.

Waxaa kamid ah madaxda ka qeybgaleysa munaasabadda Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo kulamo doceedyo kala duwan la qaadan doono Madaxda ka qeyb galeysa munaasabadda.

     

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here