Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka xiray wadooyinka Halbowlaha ah ee magaalada Muqdisho, iyada oo Ciidamada ay u diidayaan in Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay isticmaalaan.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah Isbitaalka xooga, Sheekh Cali Suufi,  Isgoyska Banaadir, Soobe, Lambar afar (KM4) iyo Wadada 21 Oktoobar.

Shacabka badi ayaa saaka lugeynaya laamiyada, mana jiraan wax gaadiid dadweyne ah shaqeynaya, marka laga reebo gaadiidka wada ardada iyo kuwa dowladda.

Sida oo kale waxaa meelaha qaar loo ogoleyn shacabka in ay ku socdaan, waxaanalagu amrayaa in ay isaga laabtaan.

laamaha Amniga dowladda Soomaaliya ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin sababta loo xiray, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu booqanayo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaliya.a

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here