HomeWarkiiSAWIRRO: 11 Israa'iiliyiin ah oo lagu toogtay Magaalada Sydney ee Dalka...

SAWIRRO: 11 Israa’iiliyiin ah oo lagu toogtay Magaalada Sydney ee Dalka Australia

SYDNAY (DAYNIILE.COM)- Laba nin oo hubeysan ayaa toogtay 11 11 qof oo israa’iiliyiin ah halka ay dhaawaceen 29 kale, oo ay ku jiraan labo askari oo booliis ah, sida ay booliisku sheegeen.

Toogashada waxay ka dhacday Xeebta Bondi e Magaalada Sydney ee Dalka Australia halakasoo la sheegay inay  Yuhuudu  ku qabeen munaasabad loogu magac daray Chanukah oo ay ugu dabaaldagayeen bilawga ciida Yuhuuda.

Hal nin oo la rumeysan yahay inuu ka mid ahaa raggii toogashada geystay ayaa isna la dilay, halka midka labaad ee la sheegay inuu toogashada geystayna xaaladdiisu ay aad u liidato, Dowlada Australia ayaa toogashada ku tilmaamay mid argagixiso.

Dowlada Australia waxay sidoo kale  sheegtay in toogashadaani la qorsheeyay in lagu beegsado bulshada Yuhuuda ee Sydney maalinta koowaad ee Hanukkah.

Fiidiyowga ayaa muujinaya nin magaciisa lagu sheegay geesi dukaanle Ahmed al Ahmed, oo hubka ka dhigaya mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday.

Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay xeebta munaasabad loogu magac daray Chanukah oo ku taal badda, taasi oo u dabaaldageysay bilawga ciida Yuhuuda.

Raiisel wasaare Anthony Albanese ayaa cambaareeyay weerarka lala beegsaday Yuhuuda iyo dadka kale oo dalkiisa u dhashay kuwaasoo dhimasho iyo dhaawac ay soo gaareen.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMBeachgoers Flee as Shots Ring Out on Sydney's Bondi BeachAt least 11 killed in shooting attack on Chabad Hanukkah event on Sydney's  Bondi Beach11 killed in Australian shooting targeting Jewish community, premier says -  ABC NewsAt least 11 killed in shooting at Jewish festival at Sydney’s Bondi BeachDeadly mass shooting at Sydney's Bondi Beach stuns Australia | In Pictures  News | Al Jazeera

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -