GAZA (DAYNIILE.COM)-Falastiiniyiintu waxay aaseen meydadka 105 qof oo lagu dilay duqeymo xiriir ah oo ay Israa’iil geysatay ku dhawaad ​​saddex sano ka hor,meydadkaan ayaa hada laga soo saaray dhismayaashii burburey hoostooda madaama intii dagaalku socday aanay macquul ahayn la soo saaro duqeymaha Yuhuuda oo markaas socday darteed.
Duqeymahaas waxaa loo adeegsaday ugu yaraan 20 bambo oo dhulka la simay dhismaha Al Taj 3 oo ka koobnaa toddobo dabaq, isla markaana burburiyay dhismayaal kale oo badan oo dadku degganaayeen oo ku yaallay xaafadda Fagaaraha Yarmouk ee magaalada Gaza, galabnimadii 25-kii Oktoobar 2023.
Meydadka dadkaas la dilay ayaa Khamiistii lagu qaaday socod weyn oo aas ah, waxaana lagu aasay xabaalaha Sheikh Radwan, oo dhanka waqooyi-galbeed ka xiga magaalada Gaza.
Agaasimaha hawlgallada difaaca madaniga ah, Abdul al-Majdalawi, ayaa sheegay inay ahayd wax “aan suurtagal ahayn” in la gaaro meydadkaas xilligii uu weerarku dhacayay.
Hawlgalkan meydadka lagu soo saarayay ayaa ahaa kii shanaad ee ugu weynaa noociisa tan iyo markii Israa’iil ay billowday dagaalka xasuuqa ah ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta Gaza bishii Oktoobar 2023, marka loo eego tirada meydadka la soo saaray, sida uu sheegay weriyaha Al Jazeera Ibrahim al-Khalili oo warbixin ka soo dirayay magaalada Gaza.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM






