XALAB (DAYNIILE.COM)-Dagaal ba’an oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Suuriya iyo xoogagga Kurdiyiinta ee SDF ayaa maalintii saddexaad oo xiriir ah ka socda waqooyiga magaalada Xalab, kaasoo ku qasbay tobanaan kun oo qof oo shacab ah inay ka barakacaan guryahooda.
Taliska ciidamada Suuriya ayaa soo rogay bandow guud ahaan xaafadaha ay ku badan yihiin Kurdiyiinta ee Sheikh Maqsoud, Ashrafieh iyo Bani Zeid, Bayaankan ka dib, ciidamada dawladdu waxay bilaabeen wax ay ugu yeereen “howlgal qorsheysan” oo ka dhan ah fariisimaha SDF ee goobahaas.
Colaadda ayaa dhalisay barakac ballaaran. Dadka rayidka ah ayaa ka qaxay iyagoo marayey waddooyin bini’aadantinimo oo ay samaysteen ciidanka Suuriya, qaar badan oo lug ku tegaya wax kasta oo hanti ah oo ay qaadi karaan, iyagoo aan hubin goorta – ama haddii – ay ku laaban karaan guryahooda.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM









