HomeWarkiiSAWIRRO: Barakaca shacabka reer Gaza oo xowli ku socda

SAWIRRO: Barakaca shacabka reer Gaza oo xowli ku socda

Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa maalin kasta ku barakacaya duqeymaha aan loo meel dayin ee Israa’iil ku hayso  magaalada Gaza, taasoo ay ku dhintaan tobannaan rayid ah maalin kasta, iyadoo qoysasku ay u qaxeen koonfurta.

In ka badan 6,000 oo qof ayaa lagu qasbay inay ka baxaan magaalada go’doonsan Sabtidii, sida uu sheegay difaaca rayidka ee Falastiin, iyadoo ciidamada Israa’iil ay sii wadaan duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee ay ku hayaan aaggaas.

Ilaa 900,000 oo falastiiniyiin ah ayaa hadda ku haray magaalada, laakiin tiradu aad ayay u sii yaraanaysaa.

Khalil Matar, oo ah barokac Falastiini ah oo ka cararaya koonfurta, ayaa yiri: “Waan sii soconaa, waxaa nala jira dad buka, mana naqaano meel aan aadno. Ma jiraan aag nabdoon.”

.Wararka ka imaanaya al-Mawasi, oo inta badan ay ku dhuftaan duqeymaha Israel inkastoo ay tahay waxa loogu yeero “aagga nabdoon”, waxay laga soo sheegaya in dadka cusub ee yimid ay la halgamayaan sidii ay u heli lahaayeen meel ay teendhooyinkooda ka dhistaan.Palestinians flee Gaza City amid evacuation threats

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -