Ciidamada xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay Khawaarijta ka sifeeyey Dhul ballaaran oo ay ka joogtay kooxdu Koofurta gobolka Mudug.

Deegaanka Shabeelloow oo ah fadhigii ugu waynaa ee cadowgu ka joogay Koofurta Mudug,tuulada cadaleey,waddada muhiimka ah ee isku xirta Camaara iyo Ceellhuur,Buurta Yacgoos oo iyana ah meel istaraatiiji ah oo ay ka ilaalinayeen Magaalada Caad iyo deegaano kale ayaa Khawaarijta laga ciribtiray maalmihii la soo dhaafay.

Advertisement

Khawaarijta oo xaqiiqsatay in aanay u babac dhigi Karin awoodda ciidan ee ku soo wajahan ayaa iska carartay magaalooyin aan wali ciidanku gaarin waxaana ugu dambeyn hadda Ciidanka is garab sanaya ay dhinacayada ka fadhiyaan Magaalada istaraatiijiga ah ee Caad oo ay Khawaarijtu maamuleysay muddo 15 sano ah.

=XIGASHO WARBAAHINTA QARANKA=

Previous articleDowalda oo sheegtay in guud ahaan Alshabaab ay soo afjarayan ka hor bisha Febraayo
Next articleSarkaal ka tirsan Wasaarada shaqada  iyo shaqalaha oo sheegay wax lala yaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here