MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho dabaal-dega xuska Munaasabadda Koowda luulyo oo si heer sare ah loo soo agaasimay xili Madaxweynaha Soomaaliya uu ka so qeybgalay.
Munaasabadan waxaa lagu soo bandhigay shaqaalaha,ciidamada kala duwan sida Booliiska ,milateriga cir, bad iyo dhul .
Ciidamada waxay u soo mareen barxada qeyb qeyb iyadoo qeyb kasta uu soo bandhigay cududiisa iyo hab maamuuska ay ugu talo galeen xuska 1-da Luulyo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM



























