AWDHEEGLE(DAYNIILE)-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa howlgalka AUSSOM qeybta Uganda ayaa saaka Alshabaab kala wareegay Degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose sida aan saaka wararkeena idin ku soo gud-binay.
Sawiradij ugu horeeyay ayaa laga heley xili ciidamadu isku fidinayaan Degmada Awdheegle iyadoo ciidamadu raxan raxan u socdaan.
Talaabada Saaka Ciidamadu qaadeen ayaa qeyb ka ah Howlgalka Dowladu ugu magac dartay Duufaanta Aamusan oo socon doonaa ilaa Alshabaab laga saaro deegaanada ay ku sugan yihiin sida ay sheegtay Wasaarada Gaashaabdhiga.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM








