HomeWarkiiSAWIRRO: Farmaajo oo gurigiisa ku booqday Ugaaska Beesha Mursade

SAWIRRO: Farmaajo oo gurigiisa ku booqday Ugaaska Beesha Mursade

May be an image of one or more people and daisMUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa guriiisa ku booqday Ugaaska cusub ee dhawaan la caleema saaray ee Beelweynta Mursade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi sida uu ku cadeeyay qoraal uu baraha bulshada ku faafiyay Farmaajo.

Kulanka Madaxweyne hore iyo Ugaaska waxaa ku wehliyay odeyaal dhaqan iyo waxgarad Soomaaliyeed kuwaasoo uu ka mid yahay Nabadoone Xaad.

“Farxad ayey ii tahay in aan Hooygiisa ku booqdo Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo dhawaan lagu duubay magaalada Muqdisho, anigoo ugu hambalyeeyey hoggaaminta saldanadan faca weyn”ayuu yiri Farmaaj

Mar uu ka sharaxayay Farmaajo waxa uu kala hadlay Ugaaska wuxuu sheegay inay isla soo qaadeen xaaladda dalka, adkaynta midnimada iyo doorka dhaqanku ay ku leeyihiin samatabixinta iyo dowlad-dhiska.

“waxaan isla soo qaadnay Ugaaska doorka dhaqanka , adkaynta midnimada iyo  marxaladdan adag ee dalku uu ku jiro duruufo siyaasadeed oo halis ah” ayuu mar kale yiri Farmaajo

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, lighting and dais

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -