HomeWarkiiSAWIRRO: Furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Maamulka Jubaland.

SAWIRRO: Furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Maamulka Jubaland.

KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 2aad ee Golaha Baarlamaanka Maamulkaasi Jubaland.

Furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Maamulka Jubaland waxaa ka soo qeybgalay Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarkamaanka Dowlada Faderaalka Soomaaliya xili sidoo kalana inta badan ay joogeen Xildhibaanka Jubaland ee maanta loo furey Kalfadhigooda 2-aad.

Axmed Madoobe oo hadalo kooban ka jeediyay ayaa ku soo hadal qaaday talaabada Israa’iil Maamulka Somaliland ugu aqoonsadeen Dowlad wuxuuna cadeeyay mowqifkiisa arintaasi kaga aadan oo uusan ka hadlin tan iyo 26-kii bishii hore ee December sanadkii 2025-kii markaasoo Natanyahu uu ku dhawaaqay aqoonsigiisa Somaliland.

Axmed Madoobe wuxuu carabka ku adkeeyay in midnimada iyo Madax-banaanida Soomaaliya ay tahay mid lagama maar maan ah isagoona dhanka Somaliland u sheegay in aqoonsigu Yuhuud xageeda ka jirin balse uu ka soo jiro dhanka dalkooda iyo dadkooda Soomaalida.

Dhanka kale Dowlada Somalia gaar ahaan Madaxweyne Xasan ayuu ugu janjabay haduusan qaban 20-ka bishaan shirkii ay ugu baaqeen in Jubaland qaadi doonto talaabo adag sida uu warka u dhigay,sidoo kale Dowlada ayuu ku tilmaamay inay u shaqeyso sidii shirkad gaar loo leeyahay oo kale.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of dais and textMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of daisMay be an image of daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and newsroomMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and dais

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -