MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa lagu wadaa inay beri Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayasha Maamulada Jubaland iyo Puntland halka 1-da Bisha Febraayana lagu wado inuu Muqdisho ka furko shirkii wadatashiga Qaran ee Dowlada iyo Mucaaradka Golaha Mustaqbalka.
Axmed Madoobe iyo Saciid Deni waxaa lagu wadaa laba diyaarad mid kasta ciidan uu ku wato inuu la yimaadaan Muqdisho.
Ciidamadaan oo wata hubka nuucyadiisa kala duwan sida PKM, Baasiukayaal iyo kuwa fudud ee Ak 47 ayay Dowladu u ogashahay madaxdaan inay amnigooda gaarka ah ku sugtaan
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM


