Ciidamada Cirka Yuhuuda ayaa sidii caadiga u ahayd waxay duqeymo dhanka cirka ah ku garaacayaan marinka Gaza inkastoo Madaxweynaha Dowlada Mareykanka Donald Trump uu ku baaqay joojinta duqeymaha shacabka.
Duqeymahaani ay fulinayaan diyaaradaha dagaalka Israel ayaa burburiyay inta badan guryihii ku yaalla Gaza, sidoo kale waxay galaateen nolosha dad ka badan 50-kun ruux halka dhaawucuna ka badan tahay boqol kun ruur.
Yuhuuda waxaa u sii dheer duqeymaha inay cunuqabateyn saareen shacabka reer Qaa oo ay maalin kasta gaajo iyo macaluul u dhintaan caruurta iyo dadka waayeelka ah, mana jirto cid ka hor istaagi karta marka la eego Qaramada Midoobe ama dalalka kale ee leh awooda nuyukleerka.
Dhanka kale waxaa socda qorshe lagu soo afjarayo dagaalka Qaza taasoo uu hormuud u yahay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump,qorshahaan ayaa dhigaya in Xamaasi yo Israa’iil ay is dhaafsayaan maxaabista ay kala heystan ku kuwa dhintayiyo kuwa nool.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM








