HomeWarkiiSAWIRRO: Isra'iil oo shacab reer Gaza ah ku xasuuqday goob biyaha lagu...

SAWIRRO: Isra’iil oo shacab reer Gaza ah ku xasuuqday goob biyaha lagu qeybiyo iyo suuq.

Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Qaza, iyagoo garaacay suuq mashquul badan iyo goob biyo qeybin ah, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 95 falastiiniyiin ah.

Weerarkii Israa’iil ay ku qaadday suuqa magaalada Gaza ayaa Axaddii shalay waxaa ku dhintay ugu yaraan 17 qof, oo uu ku jiro dhaqtar caan ah, Axmed Qandiil, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiin.

Xerada qaxootiga ee bartamaha Nuseirat, ayaa weerar gantaal ah oo ay Israa’iil ku qaadday goob biyaha laga qeybiyo waxaa ku dhintay ugu yaraan 10 qof.

Todobo ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa caruur safaf galiyay sidii ay u soo qaadan lahaayeen biyaha la cabo, sida ay sheegeen ilo caafimaad, ugu yaraan 17 kale ayaa sidoo kale ku dhaawacmay.

Milatariga Israa’iil ayaan weli ka hadlin weerarka suuqa magaalada Gaza, balse waxay sheegeen in weerarkii ay ku qaadeen Nuseirat uu ahaa mid ay ku bartilmaameedsanayeen dagaalyahanno Falastiini ah, balse ay ka leexdeen jidkii ay ku socdeen cillad farsamo awgeed.

Jessica Dorsey, oo ah qareen caalami ah iyo kaaliyaha borofisar ka ah Jaamacadda Utrecht ee Nederland, ayaa su’aal galisay sheegashada Israel, iyadoo sheegtay in militariga Israa’iil uusan qaadin tillaabooyin ku filan oo lagu ilaalinayo rayidka Gaza.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

Relatives carry the body of 13-year-old Seraje Ebrahim, killed in an Israeli strike on a drinking water distribution point, for burial outside Al-Awda Hospital in Nuseirat, central Gaza Strip, Sunday, July 13, 2025. [Abdel Kareem Hana/AP]Deadly Israeli attacks continue across GazaDeadly Israeli attacks continue across GazaDeadly Israeli attacks continue across GazaDeadly Israeli attacks continue across GazaDeadly Israeli attacks continue across GazaDeadly Israeli attacks continue across GazaDeadly Israeli attacks continue across GazaDeadly Israeli attacks continue across Gaza

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -