
MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Barxada Taallada Dajirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho waxaa saaka isugu yimid boqlaal shacab ah kuwaasoo soo ajiibay banaan bixii ay qaban qaabiyeen Culamaa’udiinka Soomaaliyeed kuwaasoo xiligaan hadalo ka jeedinaya goobta.
Banaanbaxaan waxaa looga soo horjeedaa xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Midnimada iyo wadajirka Dalkeena kadib markii 26-kii bishii December ay Dowlad ahaa u aqoonsadeen maamula Somaliland oo ka mid ah maamulada Soomaaliya.
Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Adan Suufo Yare oo u waramayay Warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in Culimada Soomaaliyeed saaka ay sameynayaan bannaanbax isugu jira socod dheer iyo isu-imaatin culimo.
“Ujeedkeenu waa si aan u muujinno mowqifka culimada ee ah ilaalinta midnimada ummadda.”ayuu yiri Sheekh Adan Suufo Yare
Sidoo kale Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha Ku-xigeenka Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo goobta banaan baxa ka hadlayay ayaa sheegay in Islaamka iyo Yuhuudu aysan walaalo ahayn.
“Yuhuud ama Israaiil walaalo ma nihin haddaan nahay Islaam, mana yeeli doono in nalagu soo xadgudbo.” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.
Sheekh Cali Wajiis ayaa isna sheegay in ujeedka banaan baxa saaka uu yahay in ay dadka ka wacyigeliyaan dhagarta Yuhuuda ay la damacsan tahay Soomaaliya gaar ahaan kala goynta dalka iyo wada-jirka umadeed.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM




