Kumanaan ka mid ah Shacabka iyo Culimada magaalada Baydhabo ayaa maanta goob fagaara ah ku tukaday Salaad Roobdoon ah, Salaadda kadib Culimada iyo Bulshada ayaa Alle ka baryay Roob, naxariis iyo barwaaqo.
Abaar daran ayaa ku dhufatay qeybo ka mid ah Gobolada Koofurta, Bartamaha iyo Waqooyinga Soomaaliya,taas oo sababtay in dadka intooda badan ay usoo hayaamaan Magaalooyinka, kadib markii ay abaarta ku waayeen xoolihii ay dhaqan jireen.
Isu soo baxaan ayaa ahaa kii ugu dadka badnaa waqtiyadaan danbe sida aad sawirada ka arki kartaan in dad intaas la eg u soo baxaan inay Alle ka baryaan roob nabadiisa,raxmadiisa iyo barwaqadiisa wata.











