GARISA (DAYNIILE.COM)-Warar dheeraad ah ayaa ku soo kordhaya dagaal shalay ka dhacay duleedka Magaalada Garissa ee waqooyi Bari kenya kadib xili la soo bandhigay hubkii iyo agabkii alshabaab laga furtay.
Dagaalka oo si gaar ah uga dhacay deegaannka Weelmareer ee ka tirsan ismaamulka Garisa waxaa alshabaab looga furtay hub iyo rasaas ay kaga carareen aagag ay ku dhuumaaleysanayeen balse ciidamadu ay si kadis ah ugu daateen.
Wararka waxay intaasi ku darayaan ilaa afar alshabaab ah lagu dilay goobta ka hor inta aysan ka cararin.
Maalmihii ugu dambeeyay waxaa wada-shaqeyn wanaagsan ay dhexmareysay shacabka iyo ciidamada taasoo fududeysay in Alshabaab loogu daato meelaha ay weerarada ka soo abaabulaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM





DAYNIILE.COM





