MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goor dhaw oo Caawa ah hoygiisa ku booqda Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Maxamed Xuseen Rooble kadib markii sidan oo kale booqday guriga Shariif Sh.Axmed kuwaasoo labaduna caawa laga hor istaagay inay Xalane ugu tagan Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.
Labadaan masuul waxay ka wada hadlayaan xalinta talaabooyinka ay caawa qaaday Dowlada Somalia iyadoo Ra’iisulwasaare Xamza u muujiyay una cadeyay madaxda mucaaradka in Dowladu ka go’an tahay wada hadalada ay la yeelaneyso mucaaradka.
Masuuliyiinta kulamadooda kadib lagu wadaa inay warbaahinta la hadlaan una sharaxaan natijada kulamadooda ka soo baxday.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

=XIGASHO SAWIRADA DALSAN TV=
