HomeWarkiiSAWIRRO: Madaxda ugu sareysa Dowlada Somalia oo ka qeybgashay salaada janaasada meydka...

SAWIRRO: Madaxda ugu sareysa Dowlada Somalia oo ka qeybgashay salaada janaasada meydka Imaamkii hore ee Beesha Muddulood

Muqdisho, 07, Luulyo, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, duubabka dhaqanka iyo culumaa’udiinka Soomaaliyeed kala qayb galay salaadda Janaasada Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo dhowaan geeriyooday.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu door muuqda ku lahaa dib u heshiisiinta iyo mideynta bulshada, xoojinta dowladnimada iyo nabad-dhiska Soomaaliya, isaga oo xusay in dhaxalka wanaagsan ee uu ka tagay uu sii ahaan doono mid ay bulshada Soomaaliyeed xusuusan doonto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah tiiraanyada iyo dareenka tacsida ula wadaagay ehellada Marxuumka, isaga oo Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna uu kasiiyo ehelkii, qaraabadii, dhaqanka soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

DHAMMAAD.May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and the Basilica of the National Shrine of the Immaculate ConceptionMay be an image of ‎one or more people, dais and ‎text that says "‎SRUES を کتنار كتابامو َاباموقونا‎"‎‎May be an image of one or more people and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -