MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jabuuti u soo magacowday Soomaaliya, Danjire, Col. Cusmaan Dubbad Sugulle.
Safiirka cusub waxa si weyn loogu soo dhaweeyay gudaha xarunta \Madaxtooyada iyadoo si maqaam sare ah loogu maamuusay madaxtooyada ilaa kala kulmo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo uu markaas ka gudoomay Waraaqaha Aqoonsiga Safiirnimo.
“Mudane Madaxweyne sharaf weyn ayay ii tahay inaan maanta soo gudbiyo warqadaha aqoonsiga anigo ah Safiirka cusub ee jamhuuriyada Jabuuti u soo magacowday dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya Asalaamu Caleykum” ayuu yiri Danjire, Col. Cusmaan Dubbad Sugulle
Madaxweyne Xasan ayaa isna dhankiisa wuxuu ugu hambalyeeyay Danjiraha cusub xilka loo soo igmaday isagoona u rajeeyay guul iyo shaqo miro-dhal ah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM








