HomeWarkiiSAWIRRO: Madaxweyne Xassan iyo ka qeybgalkiisa Caleema saarka Madaxweynaha Jabuuti

SAWIRRO: Madaxweyne Xassan iyo ka qeybgalkiisa Caleema saarka Madaxweynaha Jabuuti

May be an image of dais and textJabuuti, 09, May, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, taasi oo ka dhacday magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha oo ka mid ahaa madaxda dalalka gobolka, hoggaamiyeyaal caalami ah iyo wufuud heer sare ah oo lagu casuumay munaasabadda ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha iyo shacabka Jabuuti, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga walaaltinimo ee u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo iskaashiga gobolka, si loo xaqiijiyo nabad, horumar iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda Geeska Afrika.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of dais and text that says "REPUBLIOUD REPI ........"May be an image of daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -