MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dowladaa Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah isaga diiwaangeliyey goobta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Degmada Warta-Nabadda.
Madaxweynaha wuxuu shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay inay ka faa’ideystaan fursaddan wayn oo ay ku dooran karaan dadka siyaasadda ku matali doona.
“Doorasho qof iyo cod ah in ay dalka ka dhacdo waa rajo muddo dheer soo socotay, waxay ku qornayd Dastuurkeenna ku meelgaarka ahaa, Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha waa mahadsan yihiin”ayuu yiri Madaxweyne Xassan
Sidoo kale Madaxweyne Xassan wuxuu talaabo wanaahsan ku tilmaamay in dadkeena ay u soo noqoto awooddooda ku saabsan in ay yeeshaan go’aanka doorashada, sida Xildhibaan heer Federaal iyo heer dowlad goboleed , Madaxweynaha dalka iyo Hoggaanka heer dowlad goboleed intaba
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM








![May be an image of 2 people, dais and text that says 'A- -BANNAAN INKA OHDIMAHA DRINIA ال ندط CANIA QARANKA/Y YO Menn ONEN EE DOORASHOOYINKA 흥 NDENT ELECTORA A MMISSION USSIRAL المستقلة لوطنية والحدود خابات AAN GEL] DEGMAI CODKAAGA WAA MU की 選 A XARUN ADA WAANGELI ΘΑ Fadlan W Haddi Aad XARUNT.'](https://scontent-mba2-1.xx.fbcdn.net/v/t39.30808-6/530864949_1220548123449658_2215902124440543859_n.jpg?_nc_cat=1&ccb=1-7&_nc_sid=127cfc&_nc_eui2=AeES5UnkNgoOBS12Htv2_7xrchwkL5Zz4-FyHCQvlnPj4Zeh0UuYbn1Eg-Iv_mrLDNBhuR60f7zPgk7G0VDJprMt&_nc_ohc=DE4RRG51qPIQ7kNvwGfU9lX&_nc_oc=AdknYOIquQkzcvkClQ-Gbk8yzDenYC5Lfk6pcpbBJkj56NuDyPx59tFIVtdtuvPgFDM&_nc_zt=23&_nc_ht=scontent-mba2-1.xx&_nc_gid=Ebz1baU2AGwy3YpOFuQiKA&oh=00_AfUmUW5LultRRGlvrS3KVTem-fJp5qJxuqLllV1Slg9aDQ&oe=68A1342B)




