Israa’iil ayaa la soo sheegayaa inay saaka amartay shacabka inay feejignaadaan iyagoona wadooyinka inta badan la arkayo iyagoo haawanaya cabsi laga qabo jawaabta weerarka Iiran.
Maamulka Israa’iil ayaa ka digaya jawaabta weerar kaga yimaada dalka Iran oo ay saaka weerar ku qaadeen kuna laayeen saraakliil sar sare oo Iiran u dhashay xili masuuliyiinta Iiran ku hanjabeen inay aargudan doonaan.
Jidadka magaalooyinka waaweyn ee Israa’iil ayaa faaruq ah saaka, ka dib markii dadka deegaanka lagu amay inay guryahooda joogaan oo ay diyaarsadaan cunto iyo sahay socon doonta labada toddobaad ee soo socda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM