Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saqdii dhexe ee xalay fuliyay hawlgal gaar ah oo si heer sare ah loo qorsheeyay, kaasi oo ka dhacay deegaannada u dhexeeya Beerayabaal ilaa Caag-Bashiir ee Gobolka Hiiraan.
Hawlgalkaan oo ahaa mid bartilmaameedkiisu si gaar ah loo qeexay, ayaa lagu beegsaday goobo gabaad u ahaa maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo muddooyinkii dambe ku dhuumaaleysanayay deegaannadaasi.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa intii hawlgalka uu socday si buuxda u burburiyay gabaadyadii iyo saldhigyadii ay Khawaarijtu ku lahayd aagga, taas oo dhabar-jab weyn ku ah awooddooda iyo dhaqdhaqaaqyadooda.
Saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka ayaa sheegay howllgalka in uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.
XIGASHO WARBAAHINTA QARANKA





