Sida goor dhaw lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ballaaran oo ka dhan ah kooxaha argagixisada AS ka fuliyay wadada muhiimka ah ee isku xirta magaalada Xudur iyo deegaanka Qurac-joome ee gobolka Bakool.Howlgalka oo socday muddo maalmo ah ayaa ciidamadu waxa ay ku sii mareen tuulooyin ay ka mid yihiin Aboore, Banjinaay, Teed, Emed-Koorey iyo Ees-Gaab, iyagoo ugu dambeyn gaaray Qurac-joome, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo deegaanka ah oo qeyb ka ah dagaalka kadhanka ah khawaarijta.
Taliyaha guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, Gashaanle Dhexe Yoonis Aadan Xasan, oo hoggaaminayay howlgalka, ayaa warbaahinta ciidamada u sheegay in ciidamada ay guulo waaweyn gaareen, islamarkaana ay fureen wadadii muhiimka ahayd ee xidhnaa muddo sanado ah.















