HomeWarkiiSAWIRRO: Puntland oo soo bandhigtay gaadiidka gaashaaman ee saarnaa Markabka ay qabteen

SAWIRRO: Puntland oo soo bandhigtay gaadiidka gaashaaman ee saarnaa Markabka ay qabteen

Maamulka Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa  soo bandhigay gaadiidka gaashaaman ee saarnaa Markabka ay shalay ku qabteen xeebaha Gobolka Bari kaasoo la sheegay in Dowlada Somalia ay lahayd uuna u soo socday Dekada Muqdisho.

Inkastoo xalay warar kala duwan ay soo baxayeen balse maamulka Puntland oo soo bandhigay ayaa cadeeyay hubkaani ay soo dhiibtay Dowlada Turkey islamarkaana loo soo waday Muqdisho waxaana loogu talo galay Dowlada Somalia.

Gaadiidkaan dagaal waxaa ku wada dhagan calanka Turkiga madaama ay iyaga u soo dhiibeen Dowlada Somalia.

Markabkan ayaa magaciisa lagu sheegay Sea World wuxuuna ku gooshayay Calanka jasiiradda Comoros, Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu ka soo shiraacday dalka Turkiga, dhamaan gaadiidka gaashaaman ee saaran waxaa ku buufsan calanka dalka Turkey.

Waxaa gabi ahaanba meesha ka baxay warar kale oo xalay la wareejinayay kuwsoo sheegayay in Somaliland uu hubkaani u socday ilamarkaan ay soo dhiibeen reer Tailand oo wali aan iyaguna aqoonsi ka helin Caalamka.

Masuuliyiinta Dowlada ayaa lagu wadaa inay war buuxa ka soo saaraan arinta markabkaani hubka u sida.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

No photo description available.No photo description available.No photo description available.No photo description available.No photo description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -