HomeWarkiiSAWIRRO: Saacid Shirdoon iyo Fahad Yasin oo Caawa hoygiisa Xamar ugu...

SAWIRRO: Saacid Shirdoon iyo Fahad Yasin oo Caawa hoygiisa Xamar ugu tagay Shariif Sh.Axmed

May be an image of one or more people, dais and textMasuuliyiinta labada Xisbi ee Himilo Qaran iyo Heybad Qaran ayaa ku kulmay Caawa Magaalada Muqdisho gaar ahaan hoyga Hogaamiyaha Himilo Qaran Shariif Sh.Axmed.

Kulankaan ayaa yimid kadib markii Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Fahad Yasin ay u tageen Shariif Sh.Axmed waxayna ka wada hadleen xaalada Dalka guud ahaan gaar ahaan dhanka Siyaasada madaama dalku sii galayo xaalad kala guur ah.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa warbaahinta bulshada la wadaagay waxa ay kala hadleen dhigooda Haybad Qaran , qoraalkoodana sidan ayuu u qornaa:-

Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa xarunta Xisbiga Himilo Qaran ee Magaaladda Muqdisho ku qaabilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha Midowga Haybad Qaran Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo qaar ka mid ah xubnaha aas-aasayaasha Midowga, waxayna iska xog-wareysteen arrimaha siyaasadda, midnimada qaranka iyo sidoo kale dowlad-dhiska.
Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran iyo masuulinta Midowga Haybad Qaran ayaa hoosta kawada xariiqay sida loogu baahanyahay in la sii xoojiyo wadatashiyada iyo tallooyinka heer qaran.May be an image of one or more people, beard and suitMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and beardMay be an image of one or more people
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -