BALADWEYNE (DAYNIIILE.COM)-Howlgal gaar ah oo Magaalada Baladweyne ay ka sameeyeen Ciidanka Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa lagu soo qab qabtay koox shabakad isku xiran ah oo ka tirsan Alshabaab sida Dowladu sheegtay,

Ciidamada Sirdoonka Qaranka ee ka howlgala Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ka war helay dhalinyaradaan oo qorsheyneysay sidii ay Hiiraan uga gudbi lahaayeen  dhanka Galgaduud oo ay ka socdaan dagaalo u dhexeeya Dowlada iyo Alshabaab si la mida kuwa gobolada kale ee dalka ka socda.

Advertisement

Taliska Sirdoonka Somalia ee ka howlgala Gobolka Hiiraan ayaa lagu wadaa inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan  kooxdaan dhalinyarada ee la sheegay inay u gudbi rabeen dhanka Galmudug si ay Alshabaab uga bar bar dagaalamaan.

Dhanka Alshabab wax war kama soo bixin intaan ognahaykaasoo ay kaga hadlayaan warka ka soo baxay dhanka Dowlada Somalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM 

May be an image of 7 people
Previous articleMaxaa ku soo kordhay howlgalada Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanku ka wadaan miyiga Koonfurta Mudug
Next articleCiidamada Itoobiya oo lagu weeraray Fariisinkooda Degmada Diinsoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here