Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa ka qeyb-galay Bandhig Tababar heerkiisu sarreeye oo ay sameeyeen Ciidanka gaarka ah ee Galeyr oo u xilsaaran ka hortagga dhagaraha Khawaariijtu bulshada kula kacaan .
Bandhigga waxa Taliyaha kala qeyb-galay Steven Gillen oo ah sii hayaha howlaha Safaaradda Maraykanka iyo masuuliyiin kala duwan oo katirsan Safaaradda , waxaana uu bandhigan ahaa mid sare loogu qaadayey Aqoonta Ciidanka oo qeyb ka ah Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.









































