Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid” ayaa maanta magaalada Baydhabo kormeer ugu tagay ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tababar ku dhameystay magaalada Baydhabo.
Taliyaha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay xerada ay ciidamada ku qaadanayaan tababarka isagoo warbixin ka dhageystay macallimiinta iyo saraakiisha tababarka gacanta ku haya wuxuuna wax ka weydiiyay
heerka uu marayo tababarka noocyada tababarrada ay ciidamada qaateen iyo farsamooyinka milatari ee la baray
Taliska Ciidanka XDS ayaa wado tayeenta Sare u qaadida tababarada Ciidanka XDS si ey ugu filnaadan guud ahaan la wareegida Amniga Somalia.






