HomeWarkiiSAWIRRO: Taliye Macalin Mahdi oo faah-faahin ka bixiyay hubka laga soo...

SAWIRRO: Taliye Macalin Mahdi oo faah-faahin ka bixiyay hubka laga soo saaray Hotel Elite

May be an image of helicopterTaliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa faahfaahn ka bixiyay hub fara badan oo maanta Booliiska Somalia uu ka soo saaray Hotel Elite kaasoo uu leeyahay Siyaasi mucaarad ku ah Dowlada laguna magacaabo C/laahi Maxamed Nuur.

Taliyaha wuxuu sheegay in maalmo ka hor markii ay galeen Hotelka ilaa hada loo xayirnaa furaha qol ka mid ah Hotelka oo Buruuf ah aadna u adag sidaas daraadeed furihii oo maqnaa maanta uu soo dhiibay Maamulaha Hotelka sidaasna ay qolkaasi qaaska ahaa kaga soo saareen Hubkaasi ,rasaastaas iyo Drons-ka aan duuliyaha lahayn .

“Dowladu waxay ka baaqsatay in qolkaasi Buruufka ah la jabsho sidaas daraadeed furaha ayaan ka dalbanay oo maalmahaan aan sugeyney ugu danbeyna maanta ayay maamulka Hoteelku soo dhiibeen furaha ,waxayna soo dirsadeen dad iaga ka socda kuwaasoo goob joog ka ahaa marka la furaayay qolka iyo hubka laga soo dhex helay” ayuu yiri Macalin Mahdi

Dhanka kale Taliyaha wuxuu ayaan daro ku tilmaamay in Hotel saas u qurxon oo ka mid ahaa kuwa caasimada qurxinaayay in hadana laga helo hub la doonayay in Dowladnimada lagu burburiyo sida uu warka u dhigay Macalin Mahdi.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -