Wararka ugu danbeeya ee laga helaayo Dalka Mexico ayaa sheegaya inay sii kordheen tirada dadka ku dhintay fatahaadda ka dhalatay roobab waa weyn oo ka da’ay dalkaasi xili guryo badana ay ku burbureen.
Tirada dadka ku dhintay roobabkaasi ka da’ay dalka Mexico ayaa gaartay 64 qof iyadoo mas’uuliyiintu ay ballaariyeen baaritaanka.
Madaxa Isku xirka Ilaalinta Madaniga ah ee Qaranka (CNPC), Laura Velazquez Alzua, oo ka hadlaysa inta lagu gudajiro warbixinta maalinlaha ah ee Madaxweyne Claudia Sheinbaum Isniintii, ayaa sheegtay in 65 kale ay wali maqan yihiin.
Gobolka Veracruz ee xeebta koonfur-bari ee dalka ayaa xaqiijiyay 29 dhimasho ah, waxaa ku xiga 21 Hidalgo, 13 Puebla iyo mid Queretaro, ayuu yidhi Alzua.
Afartan iyo saddex qof ayaa sidoo kale lagu la’yahay Hidalgo, iyadoo ay la socdaan 18 ku sugan Veracruz iyo afar ku sugan Puebla.
Kumanaan ka tirsan ciidamada milatariga ayaa la geeyay si ay gargaar ugu fidiyaan guud ahaan shanta gobol ee ay dhibaatadu saameysey, gudoomiyaasha ayaa sidoo kale ka wada shaqaynaya sidii ay isugu dubaridi lahaayeen taageerada, ayuu yiri Sheinbaum.
Qiyaastii hore waxay muujineysaa in ilaa 100,000 guri ay saameysay, ayay raacisay, iyadoo qaar ka mid ah webiyada u dhow ay “la’aayeen”.
Isagoo wajahaya su’aalo ku saabsan nidaamka feejignaanta Mexico, Sheinbaum wuxuu sheegay inaysan jirin calaamado saadaasha hawada “taasoo noo tilmaami karta in roobku uu noqon doono mid sidan u weyn”.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM








