HomeWarkiiSAWIRRO: Warbixinta Shirka Wasiirada ee uu maanta shir gudoomiyaya Madaxweyne Xassan

SAWIRRO: Warbixinta Shirka Wasiirada ee uu maanta shir gudoomiyaya Madaxweyne Xassan

May be an image of one or more people and daisMuqdisho, Isniin, 05 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga dalka iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka oo guulo waaweyn kasoo hooyey dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyo doorashooyinkii goleyaasha deegaanka Gobolka Banaadir, ee dhowaan sida guusha ah uga qabsoomay caasimadda.
Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hadal-jeedin looga dhagaystay Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo si faahfaahsan uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, isaga oo si weyn golaha ugu bogaadiyay kaalintii muuqatay ee ay ka qaateen qabsoomidda doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee casimadda ka qabsoomay 25-tii Diseembar, 2025, taas oo uu Madaxweynaha ku tilmaamay dhacdo taariikhi ah oo dad badan ay shaki ka qabeen in ay qabsoomi karto.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale ka hadlay duulaankii qaawanaa ee lagu soo qaaday qaranimada, wuxuuna sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray tallaabooyinka diblumaasiyadeed ee dowladdu kaga jawaabtay weerarkaas, isaga oo golaha kula dardaarmay in sida wadajir ah u waajahaan difaaca dalka.
Madaxweynaha JFS, ayaa sidoo kale golaha wasiiradda ku booriyay in ay si midnimo, wadajir iyo wadatashi ah ku wajahaan xaaladda dalka, iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, ayaa ansixiyey labo heshiis oo muhiim u ah Qaranka iyo iskaashiga dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya, waxa ayna kala yihiin.
1) Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ku saabsan iskaashiga amniga.
2) Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iy Boqortooyada Sacuudiga kuna saabsan iskaashiga gaadiidka badda.
Sidoo Kale golaha Wasiirrada ayaa meelmariyey Hindise-Sharciyeedyo iyo Siyaadadaha kala ah.
1) Hindise-Sharciyeedka Caddeymaha.
2) Axdiga Caalamiga ah ee Halbeegyada Tababbarka iyo Shahaado-siinta ilaalinta baxmaaxiinta 1978.
3) Xeerka dhismaha Machadka Soomaaliyeed ee Badaha.
4) Xeer-nidaamiyaha Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha
5) Siyaasadda Qaran ee Naafada Soomaaliyeed
Ugu dambeyn, golaha ayaa warbixin ka dhagaystay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS, Mudane Daahir Shire Maxamed, taas oo ku saabsan howlaha soo saarista shidaalka oo dhowaan laga bilaabi doono dalka, iyo warbixin ku saabsan xaaladda abaaraha dalka taas oo goluhu ka dhageystay Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA.)
– DHAMMAAD –
Cabdinaasir Axmed Bashiir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, XRWMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people, newsroom and daisMay be an image of one or more people, dais, newsroom and textMay be an image of one or more people, lighting, table, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of daisMay be an image of dais and textMay be an image of dais, newsroom and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, newsroom, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, people studying, dais and newsroomMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -