𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝐀𝐛𝐫𝐢𝐢𝐥 𝟐𝟓, 𝟐𝟎𝟐𝟔: Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Madaxdii hore ee dalka, Danjireyaal, Wasiirro, Xildhibaanno, qaar kamid ah madaxda Maamul Goboleedyada, Duubabka dhaqanka, Ganacsato, Haween iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Munaasabaddaan oo kulmisay qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Caleema saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade, waxaana eebe loogu baryay in uu kula garab-galo gudashada waajibaadkiisa, isla markaana uu udub dhexaad u noqdo nabadeynta iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa martida Xafladda Caleema-saarka kusoo dhaweeyay Muqdisho oo amaan ah, islamarkaana sameysay horumarro badan oo dhanka kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga ah, waxa uuna carrabka ku dhuftay in dhawaan ka qabsoontay magaalada doorasho qof iyo cod ah, sidoo kalane dhawaan ay ka qabsoomi doonto doorashada Golaha Caasimadda iyo tan duqa magaalada sida uu shaaciyay Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

























