Jowhar, 11-June-2026: Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si rasmi ah u daah-furay Villa Hirshabeelle iyo Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Maaliyadda ee Hirshabeelle.
Xarumahaan waxa ay qeyb ka yihiin mashaariicda waa weyn ee laga xarig-jaray Hirshabeelle.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku boogaadiyey Hirshabeelle bandhigga mashaariicda wanaagsan ee laga hirgaliyey.
Munaasabad weyn oo arrimahaan lagu faahfaahinayo ayaa caawa ka qabsoomi doonto aqalka cusub ee madaxtooyadda Hirshabeelle.
DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Mohamed Shurie Nur
















